Sawirle: Jessica Brander/Sveriges Radio

Digniin ku saabsan baraf waddooyinka qariya oo silbasho keena

Wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinka ayaa dadweyna uga digeysa in ay khatar ka jiri karto qaybo badan oo dalka ka mid ah kadib marka baraf silbasho keena uu waddooyinka qariyo.

Goobaha ay ka jiri karto khatarta silbashada baraf iyo ceeryaamo soo dhici doonta habeenada soo socda waxaa ka mid ah gobolada Svealand iyo waqooyiga gobolka Götaland, iyo khatar baraf ciid ah oo lagu silbado oo laga filayo koonfurta iyo bartamaha gobolka Norrland.

Maanta subaxnimadii waxaa la soo weriyey in ay dhaceen shilal silbasho oo farabadan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".