Garoonka diyaaradaha ee Sturup. Sawirle: Sandra Svensson/Sveriges Radio

Duulimaadyo ka bixi lahaa garoonka Sturup oo dib u dhac ku yimid

Gaadiidka diyaaradaha oo ka goosha garoonka Sturup oo ku yaal magaalada Malmö ayaa duulimaadyadii dib u bilaabay kadib markii horay loo joojiyo, taas oo ka dhalatay diyaarad kuwa boostada qaada oo ka soo duushay magaalada Sundvall ay habeenkii xalay ka baxday dhabbihii ay ku soo degtey.

Waxaana dhici karta in ay taasi keento dib u dhac ku yimaado duulimaadyada diyaaradaha.

Waxaa dadka masaafirka ah lagu la talinayaa in ay la socdaan wixii warar ah oo arrintaan ku saabsan iyo in ay shirkadaha diyaaradaha kala xiriiraan waqtiyada duulimaadyada.

Isha: P4 Malmöhus

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".