Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven. Sawirle: Nasser Sina/Radio Sweden

Xisbiyada casaan-doogga oo si weyn u hoggaaminaya ra’yiga dadweynaha

Iyadoo hadda ay doorashii qaranka ka harsan siddeed bilood ayey xisbiyada casaan-dooggu, waa Socialdemokraterna, Miljöpartiet iyo Vänsterpartiet, boqolkiiba 16 dheer yihiin xisbiyada dowladda isku bahaystey, sida lagu muujiyey cabbiraad ay shirkadda Demoskop u sameysey wargeyska Expressen.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa kordhay in dhor laba dhibcood oo hadda ka helay taageerada dadweynaha boqolkiiba 34.7, taas oo ku dhow hadafkii xisbiga oo ahaa in uu doorashada ka helo boqolkiiba 35.

Xisbiga Moderaterna ayaa isagu hal dhibic gadaal ugu gurtay oo taageerada dadweynaha ka helay boqolkiiba till 22.3. Taasina waxay tiradii ugu liidatay oo uu xisbigu helo muddo shan sano ka badan.

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa helay boqolkiiba 3.6 oo ka hooseysa xadka lagu galo baarlamaanka. waxaa iyagana hoos u dhac ku yimid xisbiyada Vänsterpartiet, Folkpartiet iyo Sverigedemokraterna, halka ay taageerada xisbiga Centerpartiet sare u soo kacday.

Xisbiga Doogga ama Miljöpartiet ayaa noqdey xisbiga qura oo kor u kacay 2.8 oo hadda helay boqolkiiba 11.1 oo ah tirakoob la hubo.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".