Qurbojoog isku balansatey dib u dhisida degmadoodii

7:52 min

Ifaalaha nabadeed ee ka soo soo baxaya baryahaan dalka Soomaaliya kadib mudo ka badan 20 sanno oo dagaalo sakoomeye qaybo kamid dalkas ka holcahayeen ayaa waxey ku dheero gelisey qurbojoogta soomaliyeed in ay gacan ka geystaan dib u dhiska degmooyinkii ay ka soo jeedeen.

Dhamaadkii asbuucii la soo dhaafey ayey 50:meeyo qurbojoog ah ku kulmeen Stockholm sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahaayeen degmadii ay ka soo jeedeen. Qorshahoodana waa sidii ay dib u heshiin ugu sameyn lahaayeen qabaa’ilka halkas ku nool, gacan uga geysan lahaayeen dhismaha maamul hoosaad degmadooda yeelato, sida uu yeri Abdi Cilmi Degal oo ah ruuxa bilaabey qorshahan: