Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Go’aankii ugaarsiga uubatada oo rafcaan laga qaatay

La daabacay fredag 10 januari 2014 kl 17.01
Lammaane uubato ama yey ah. Sawirle: TT

Hay’adaha kala ah Ururka ilaalinta dabeecadda, Khasnadda dunida ee dabeecadda iyo Ururka dugaagga iswiidhishka ayaa hadda maxkamadda arrimaha maamulka u gudbiyey rafcaan ay ku doonayaan in ay maxkamaddu buriso ama joojiso go’aankii ay Wakaaladda dhawrista dabeecaddu horay ugu gaartey in ay bixiso ruqsad lagu ugaarsan karo 30 uubato ama yey oo ku sugan gobolada Dalarna, Värmland iyo Örebro.

Ugaarsiga uunatada ayuu Golaha Shacabka ee Midowga Yurub su’aal ka keenay. Ugaarsigaan oo ay dhaleeceyn u soo jeediyeen dad khubaro ah oo ku doodayey in loo baahan yahay in tirada uubato badato si ay u waaraan, ayaa markii dambe maxkamadi joojisey. In kastoo ay taasi jirto ayey haddana dolwaddu ku talajirtaa in ay hirgeliso ruqsadda ugaarsiga. Sidaasna waxaa war-saxaafadeed ku soo saaray Ururka ilaalinta dabeecaadda.

Isha: Pressmeddelande, Naturskyddsföreningen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".