Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Daawada kordhisa himmadda galmada oo waayeel badan loo qoro

La daabacay måndag 13 januari 2014 kl 10.56
Sawirle: William Vazquez/TT.

Tirada dadka waayeelka oo da’doodu ka sarreyso 65 sano oo dhakhaatiirtu u qorto daawada kordhisa himmadda galmada ayaa muddo lix sano ah kordhay boqolkiiba 48. Tiradaas oo sannadkii 2006 ahayd 37 000 oo qof ayaa sannadkii 2012 noqotay 55 000 oo qof sida lagu muujiyey tirakoob ay saartay hay’adda arrimaha bulshada.

Sven-Axel Månsson oo ah caalin baara culuunta galmada la xiriira oo ka hawlgala kulliyadda Malmö högskola ayaa qaba in ay jiraan sababo badan oo loo aaneyn karo kororka dhakhtar-qoritaanka daawada kordhisa himmadda galmada:

- Hadda caadi ayey noqotey oo ma aha laga yaxyaxo. Rag badan ayaa doonaya daawadaas, taasina waxay ku timid ragga oo doonaya in ay awood u yeesha galma-samaynta. Iyadoo ay isla markaas jirto in jirkenna ay saameyn u yeelaneyso mar walba oo aan sii gaboobo oo awooddeennu iska soo dhinto sidii ay ahayd markii aan dhallinta yarayn. Waxaan kaloo rabnaa in aan noqo dad himmaddoda galmadu sarreyso. Sidaas awgeed ayey daawooyinkaasi u jiraan oo uu helitaankoodu u fudud yahay.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".