Raysalwasaare Fredrik Reinfeldt. Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Raysalwasaaraha: Awoodda is-difaaca Iswiidhen heerkii la rabay ah

Aragtida awoodda difaaca Iswiidhen oo lagu kala duwan yahay
3:33 min

Raysalwasaaraha Iswiidhen Fredrik Reinfeldt ayaa carrabka ku dhuftay in awoodda difaaca Iswiidhen uu soo xoogeystey intii ay jirtey dowladda huwanta ah oo talada dalka la wareegtey sannadkii 2006. Isagoo ka hadlaaya kulan ka dhacay magaalada Sälen oo looga hadlayey bulshada iyo difaaca wuxuu raysalwasaaruhu sheegay in iskaashiga caalamiga ahi uu muhiim u yahay ka hortagga khataraha ka iman kara argagixisada iyo weerarada lagu qaado aaladda Internet. Dhanka kale wuxuu raysalwasaare Reinfeldt ka dhawaajiyey in aysan wax hadda taagan ahayn in xubin laga noqdo gaashaanbuurta dalalka galbeedka ee loo yaqaanno Nato:

- Dowladdayada ayaa bilowdey in Iswiidhen ay ku biirto ciidamada hawlaha degdegga ah ee gaashaanbuurta Nato. Sidaas awgeed ayaan hadda uga qaybqaadannaa tababarada ugu casrisan ee Nato. Laakiin in Iswiidhen xubin ka noqoto Nato ma ahan arrin imminka taagan. Waayo arrintaasi taageero buuxda kama haysato baarlamaanka Iswiidhen. Balse iskaashiga aan la leenahay dalalka Nato wuxuu noo suurtageliyaa in aan gacan ka geysanno nabadda iyo ammaanka adduunka.

Dhanka kale waxaa sannadihii dambe dhaleeceyn kulul loo soo jeediyey awoodda is-difaacidda Iswiidhen. Waxaa ka mid ah warbixin ay dhammaadkii sannadkii hore soo saartay hay’adda hantidhawrka qaranku, halkaas oo lagu soo bandhigey in difaaca qaranku uusan haysan shaqaale iyo qalab ku filan. Waxay ahayd maalintii axaddii la soo dhaafay markii uu wargeyska Svenska Dagbladet qoray in hannaanka qalabka difaaca ciidamadu uu hadda yahay mid aad uga hooseeya heerkii uu ahaa markii ay dowladdii Sooshiyaal-dimoqraadigu dalka ka talineysey sannadkii 2006. In kastoo uu raysalwasaaruhu ka sheegay kulanka Sälen ka dhacay in awoodda difaaca qaranku ay ka soo xoogeysatey tan iyo markii ay sannadkii 2006 talada dalka la wareegtay dowladda xisbiyada isbahaystey.

Balse Annika Nordgren Christensen oo horey xisbiga Doogga ugu ahayd xildhibaan baarlamaan iyo ruux uga qaybgala doodaha siyaasadda ammaanka ee xisbiga ayaa iyaduna sharraxaad ka bixisay bal sida xaaladda difaacu tahay:

- Arrintaani waa mid cilmi ku qotonta oo qof waliba intuu si qotodheer ugu kuurgalo uu ka soo saaran karo tirakoobka uu doonayo, taas oo muujineysa aragtiyo kala duwan oo ku xiran hadba qofka soo bandhigaya. Meelaha qaarkood awoodda difaacu waa soo xoogeysatey oo raysalwasaaruhu waa uu ku saxsan yahay. Waxaana qaybahaas ka mid ah awoodda cutubyada gaarka ah, hawlaha sirdoonka iwm. Balse haddii laga hadlayo awoodda adkaysiga waqtiga dheer, waxaa la oran karaa taasi hoos ayey u dhacday.

Doodda ku saabsan hoos u dhaca ku yimid awoodda isdifaaca Iswiidhen ayaa raad muuqda ku reebtay ra’yiga dadweynaha. Hay’adda badbaadada iyo diyaargarowga bulshada ayaa daraasad ku muujisey in kalsoonida loo hayo siyaasadda difaacu ay hoos u dhacday sanooyinkii dambe.

Sannadkii 2011 boqolkiiba 40 dadweynaha ayaa kalsooni ballaaran ama wanaagsan u hayey awoodda difaaca qaranka, halka ay sannadkii 2013 kalsoonidaasi hoos ugu dhacday boqolkiiba 26.

Tirada dadka iswiidhishka ah oo doonaya in la kordhiyo kharashka ku baxa difaaca ayaa ka soo kordhay boqolkiiba 28 oo hadda gaarey boqolkiiba 38. Dhanka kale, tirada dadka doonaya in Iswiidhen ku biirto gaashaanbuurta Nato waxay ka soo kordheen boqolkiiba 28 oo gaareen boqolkiiba 36, taas oo micneheedu yahay in tiro ka badan saddex meelood oo meel ay taageersan yihiin ku biiridda gaashaanbuurta Nato.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".