Wasiiradda Isboortiga Lena Adelsohn Liljeroth.

Wasiiradda Isboortiga oo aan ka qaybgeli doonin furitaanka cayaaraha Sotji

Wasiiradda Isboortiga Lena Adelsohn Liljeroth ayaa go’aansatay in aysan ka qaybgelin furitaanka cayaaraha olimbiga oo toddoba bisha febraayo ka furmaya magaalada Sotji ee dalka Ryssland.

Waxayna sheegtay in ay taas ku muujineyso mawqifka siyaasadda dowladda:

- Xaaladda dalka Ruushku waa mid gaar, siiba marka hadda ay xukuumaddu ay dhiirrigelineyso cadaadiska iyo xoog-sheegadka lagu dadka, haba ugu badnaadeen dadka khaniisiinta ah iyo dadka dimoqraadiyadda u ololeeya. Waa jeclaan lahaa inaan la socdo kooxaheenna cayaarahaas nooga qaybgelaya, balse in goobjoog laga ahaado barnaamijka furitaanku waxay u muuqan kartaa in xukuumadda la taageersan yahay.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".