Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka sharcidarrada dalka ku jooga oo la siin doono kaarka amaahda buugaagta

La daabacay måndag 13 januari 2014 kl 16.38
Maktabad. Sawirle: Anders Wiklund/TT

Guddiga dhaqanka ee magaalada Stockholm ayaa go’aan ku gaarey in dadka sharcidarrada dalka ku jooga loo oggolaado in ay qaataan kaarka buugaagta looga amaahdo maktabadaha magaalada. Kaarkaas waxaa lagu talajira in uu noqdo mid sannad la isticmaali karo.

Magaalada Malmö ayey fursado noocaas ahi ka soo jireen laga soo bilaabo xilligii kuleylaha ee sannadkii tegey. Waxaa qofka kaarka isticmaalaya ku filan in uu muujiyo ama keeno e-mail meeshii uu isku caddeyn lahaa lambarka aqoonsiga.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Socdaalka waxaa Iswiidhen ku sugan dad sharcidarro ah oo tiradooda lagu qiyaasay toban ilaa konton kun oo qof.

Isha: DN, Sydsvenskan

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".