Sarkaal Golaha Midowga Yurub Cecilia Malmström. Sawirle: Juha Roininen/TT

EU oo xoogga isugu geynaya sidii loo xakameyn lahaa xooggaga xagjirka ah

 Waxaa hadda lagama maarmaan ah in la xoojiyo hawlaha looga hortegi xooggaga xagjirka ah oo xoogga isticmaala ee dalalka ka hawlgala. Sidaasna waxaa qabta sarkaalka Golaha Midowga Yurub Iswiidhen u fadhida Cecilia Malmström, oo maalinta berri ah soo bandhigi doonta talooyin ku saabsan sida loo hagaajinayo hababka lagu ogaado oo looga joojiyo dadka dhallinta yar ee ku sii biiraya ururada xoogga isticmaala.

– Khatar weyn ayaa hadda ka jirta kooxaha xagjirka midigta oo xoogga isticmaala, siiba waxay ku soo bateen dalalka Giriigga iyo Bulgaariya, iyo weliba dalka Hangari, ayey Cecilia Malmström hadalkeeda raacisey.

Sida ay qabto Cecilia Malmström oo ah sarkaal Golaha Midowga Yurub u qaabbilsan arrimaha amniga la xiriira, waxaa hadda socda kooxaha xagjirka noqonaya, kuwa midigta iyo kuwa bidixdaba ee ka jira dalalka Yurub.

Waxay kaloo farta ku fiiqday dhibaatooyinka ka iman kara kooxaha islaamiyiinta oo xoogga isticmaala, kuwaas lala xiriirinayo dagaalka ka socda Suuriya.

Hadda ayuu Golaha Midowga Yurub doonayaa in dhammaan dalalka ku bahoobey Midowga Yurub ay huormariyaan habka lagu qaabbilayo dadka isaga hara  kooxaha xagjirka ah, iyo sidii looga shaqeyn lahaa dadka laga soo jiito kooxahaas.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".