Nadaafadda gacmuhu waa muhiim. Sawirle: Pontus Lundahl /TT

Siyaabaha uu u dillaaci karo matagga xilliga qaboobaha

Waqti dhow waxaa la filayaa in uu matagga xilliga qaboobaha si xoog leh ugu dhufto dalka. Bishaan Febraayo ayaa ah bisha badanaaba lala kulmo dadka qaadey matagga xilliga qaboobaha ee isbitaalada lagu daaweeyo, sida lagu wargeliyey Hay’adda caafimaadka dadweynaha.

Ilaa hadda waxaa la helay dhacdooyin yar oo ah matag xilliga qaboobaha, taas oo boqolkiiba konton ka ah tiradii la helay sannadkii hore, waqtigaas oo xilliga qaboobuhu dheeraa, sida laga soo xigtay Hay’adda caafimaadka dadweynaha.

Iyadoo si wanaagsan oo taxadar badan gacmaha loo nadiifiyo ayaa ah difaaca ugu xooggan oo looga badbaadi karo in la qaado xanuunkaan oo ah mid la is-qaadsiiyo.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista