Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Qaybta ummulinta ee Isbitaalka Sophia oo lagu talajiro in sannad walba lagu ummuliyo ilaa 4 000 oo ubad ah. Sawirle: TT.

Jahawareer ka jira qaybaha ummulinta ee isbitaalada Stockholm

Qaybaha ummulinta ee isbitaalada Stockholm ayaa la isaga diyaarinayaa laba toddobaad oo jahawareer xagga shaqaalaha ah. Sidaas awgeed ayaa hadda ummulisooyinka loogu deeqay 1 000 karoon oo gunno ah oo lagu siinayo ummulin walba oo ay sameeyaan.

Qaybta cusub ee ummulinta isbitaalka Sophia ayaa hadda ruqsad ka helay maamulka gobolka, laakiin waxay shaqadeeda bilaabeysaa ugu horreyn bisha Maarso ee sannadkaan. Isbitaalka Karolinska waxaa shaqada ka tegaya 34 ummuliso, inta aan kuqo cusubi bilaabinna waxaa lagu khasbanaan doonaa in qayb ahaan shaqada laga joojiyo qaybta ummulinta.

- Waqti aad u dheer ayaa la sugayey in dhibaatada ka jirta xagga ummulissoyinka si dhab ah loo eegin oo wax laga qabto. Hadda waa la qiray in dhibaato jirto laakiin waxba lagama qaban. Sidaasna waxaa wargeyska DN u sheegtay Pia Arndorff oo ah hoggaamiye kuxigeenka Ururka shaqaalaha caafimaadka.

Tiro kor u dhaaftay boqolkiiba konton ummulisooyinka ka hawlgala isbitaalada gobolka Stockholm waxay shaqeeyaan waqti dhiman, in ka yar siddeed saac maalintii. Waana kooxda ugu badan shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee waqti dhiman shaqeysa. Ummulisooyinku waxay ka cawdaan in ay kadeed kala kulmayaan haddii ay shaqeeyaan waqti buuxa.

Isha: DN, P4 Stockhol

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".