Sawirle: Ariel Schalit/AP

Qaxooti Eriteriyaan ah oo magangelyo Iswiidhen laga siinayo

Iswiidhen ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyey oo magangelyo siisa qaxooti Eriteriyaan oo jirdil loogu geystey dalka Masar, kadibna muddo ku xirnaa dalka Israa’iil.

Kumanaan qaxooti Eriteriyaan ah oo ka soo cararay dalkoodii hooyo ayey kooxo dadka baad ka qaadaa ku afduubeen dalka Masar. Kooxahaas ayeey isku daya in ay dadkaas qaxootiga ah u geystaan jirdil si ay lacag baad ah uga qaadaan qaraabadooda ku nool dalalka kale oo Iswiidhen ka mid tahay.

Kuwo badan oo dadkaas ka mid ah ayaa marka la sii daayo u sii gudba dalka Israa’iil, halkaas oo ay kala kulmaan xabsi maadaama loo arko in aysan haysan sabab ku filan oo loogu aqoonsado qaxootinimo.

Kontameeyo qof oo isugu jira haween iyo carruur ayaa hadda Iswiidhen la keenayaa kadib markii Qaramada Midoobey sidaas codsatay.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".