Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cayaartoyga Zlatan Ibrahimovic oo Fifa laba billadood guddoonsiisey

La daabacay tisdag 14 januari 2014 kl 11.01
Sawirle: AFP Photo/Olivier Morin

Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu abaalmariyey in uu dhaliyey goolkii ugu qurux badnaa sannadka iyo in uu ka mid yahay saddexda weeraryahan ee adduunka sannadkii 2013, oo ay labada kale ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi. Sidaasna waxaa lagu guddoomiyey xafladdii uu ururka Fifa ku bixinayey billadda koobka dahabka oo isniintii fiidnimadii lagu qabtay magaalada Zürich ee dalka Iswiisiland.

Zlatan wuxuu kaloo ku guuleystey abaalmarin lagu siiyey goolkii uu ciribta ku dhaliyey markii kooxda xulka qaranka Iswiidhen ay garoonka qaranka kula dheeleysey kooxda xulka qaranka Ingiriiska bishii noofember ee sannadkii 2012. Abaalmarinta uu ku qaatay dhalinta goolkii ugu quruxda badnaa waxaa kula tartamayey Neymar iyo Nemanja Matic.

Koobka dahabka ee sannadkii 2013 waxaa ku guuleystey cayaartoyga u dhashay Bortuqaal, una cayaara naadiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Isha: Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".