Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqala’aanta dalka ka jirta oo isa soo dhimeysa

La daabacay tisdag 14 januari 2014 kl 11.35
Sawirle: Lisa Wahlström/Sveriges Radio

Shaqala’aanta ayaa isa sii dhimeysa ama soo yaraaneysa. Bishii Diseember ee la soo dhafay waxaa xafiiska shaqada shaqala’aan uga diiwaangeshanaa dad tiradoodu dhan tahay 411 000 oo qof, waana tiro 3 000 oo qof ka yar tii sannad ka hor.

Haddii la soo tifaftiro sannadkii 2013 waxaa suuqa shaqada laga dareemayey isbeddel yididiilo leh. Waxaa tiro ku dhow 13000 oo qof is-dhimay dadka shaqooyinka laga cayriyo marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyey. Isla markaasna waxaa shaqooyin helay 23000 oo qof oo dheeraad oo shaqa-doon uga qornaa xafiiska shaqada.

Dhibaatada ugu weyn ee nagu soo foodhaysa ayaa ah in dadka waqtiga dheer shaqala’aanta soo ahaa oo ka tirsan dadyowga bulshada ugu liita ay soo kordhayaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".