Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Guddi loo xilsaaray inay baaritaan ku soo sameeyaan tayada dugsiyada iswiidhishka

La daabacay tisdag 14 januari 2014 kl 13.24
Wasiirka waxbarashada Jan Björklund oo shir-jaraa'id iga hadlaya guddiga cusub ee dugsiyada.

Dowladda ayaa dugsiyada dalka u magacawday guddi khubaro shisheeye oo baaritaan iyo kormeer ku soo sameeya tayada dugsiyada Iswiidhen.

Go’aankaan dowladduna waxay dabasocotaa qoraalkii Pisa oo dhowaan lagu muujiyey in tayada waxbarasho ee dugsiyada Iswiidhen ay aad u xumaadeen. Hadafkuna wuxuu yahay in guddigani si qoto dheer u baaro natiijada baaritaanka Pisa dugsiyada iswiidhishka ka sameysey iyo hannaanka waxbarashada dugsiyada iswiidhishka. Sidaasna waxaa laga soo xigtay wasiirka waxbarashada Jan Björklund.

Guddigaani wuxuu ka koobnaan doonaa khubaro iyo culumo ajnebi ah oo ay dusha ka maareyn doono ururka iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo loo soo gaabiyo OECD, sida uu sheegay Jan Björklund:

- Waxaa guddigaas ku jira khubaro ka mid ah kuwa dunida ugu caansan marka laga hadlayo khubarada ku takhasuustay waxbarashada dugsiyada. Mana ahan kuwo annagu aan hoggaaminno, waayo ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in uu ka madaxbannaanaado dowladda Iswiidhen oo uu sameeyo baaritaan madaxbannaan.

Hawlaha baaritaankani waxay qaadanayaan ugu yaraan muddo hal sano ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".