Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Abir Al-Sahlani. Sawirle: pressbild, Centerpartiet

Xildhibaan musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay oo lagu amray inay shaqada fasax ka qaadato

Hoggaanka xisbiga Centerpartiet ayaa ku amray Abir Al-Sahlani oo ah xildhibaan baarlamaanka u fadhida in ay fasax mushaar la’aan ah ka qaadato booska ay kaga jirto baarlamaanka. Abir Al-Sahlani ayaa horay loogu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay in ay gashay fal dembi ah oo la xiriira hawlo caawimaad ah oo uu xisbiga Centerpartiet ka wadey dalka Ciraaq. Laba bilood ka hor ayeyna Hay’adda dembiyada dhaqaaluhu ku soo bilowdey baaritaan hordhac ah.

Sida sharcigu dhigayo xildhibaanada baarlamaanku waxay xor u yihiin in ay iyagu go’aankeeda yeeshaan marka ay doonayaan in ay baarlamaanka joogaan iyo gunnada ay qaataan. Waxa keli ah oo uu xildhibaan booska uu baarlamaanka ka fadhiyo ku waayi karaa haddii uu galo dembi ciqaabtiisu ka sarreyso laba sano.

Waxay ahayd hawlo mucaawino oo uu xisbiga Centerpartiet ka dalka Ciraaq sannadihii 2009-2010, markii ay Abir Al-Sahlani iyo aabbaheed Abid guddoomeen lacag gaareysa 3.2 milyan oo karoon oo loogu talagalay in lagu taageero xisbiga aabbaheed iyo hawlo uu urur taageersan Qaramada Midoobey ka wadey Ciraaq.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".