Sawirle: Anders Wiklund/Scanpix

Golaha degmada Östersund oo sharciga lala tiigsanayo

Golaha degmada ayaa maanta maxkamadda degmada la horkeenay iyadoo lagu soo eedeeyey jeermigii biyaha magaalada galay oo dad badan calool-xanuun ku riday muddo hadda laga joogo dhawr sano.

Dad ilaa 25000 qof ah oo degmada ku nool ayaa calool-xanuun ka qaaday biyaha qasabadaha degmada dhawr sano, biyahaas oo ay galeen jeermiga nooca loo yaqaan.

Xeerilaaliyayaashu waxay ku doodayaan in uu golaha degmadu oggolaaday in biyo wasakhaysan laga soo wareejiyey haro halkaas ku taal oo lagu dhexdaray biyaha magaalada laga isticmaalo iyadoo aan kala soocid habboon lagu samayn ama aan maalgelintii loo baahnaa la gelin si looga hortago in biyahaas jeermi ku dhasho.

Agaasimaha golaha degmada Östersund Bengt Marsh ayaa Raadiyaha Iswiidhen u sheegay in dembiga lagu soo oogey uu “gebi ahaanba qaldan yahay”: "Waxaa wax foolxun ah in dadka canshuurta bixiya oo ku nool Östersund aysan xanuunsan oo qura ee ay weliba ku khasban yihiin in ay dowladda lacag siiyaan maadaama golaha degmada dusha laga saaray mas’uuliyadda arrin aysan mas’uul ka ahayn oo aysan waxba kala socon, sida dhammaan golayaasha degmooyinka kale."

Isha: SR International

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".