Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwooyin jirdil oo carruur loo geystey oo dib loo eegayo

La daabacay tisdag 14 januari 2014 kl 16.36
Sawirle: Claudio Bresciani/TT

Dacwado badan oo ku saabsanaa jirdil la tuhunsanaa in carruur loo geystey ayaa hadda dib loo eegayaa. Saddex ka mid ah dacwooyinkaas waxay gaareen ilaa maxkamadda sare kadib markii dhawr ka mid ah khubarada Iswiidhen ku xeeldheer dembiyada xoog-isticmaalka ah oo loo geysto carruurta ay su’aal ka keeneen.

Arrimahaan dib loo eegayo ayaa ah kuwo waalidka la soo eedeeyey oo caddeynta qur ahi ay tahay warqad faallo ah oo dhakhtar qoray. Balse wax kale oo caddeyn ahi ma jiraan, haddii ay noqon lahayd markhaanti arkaayey in jirdil dhacay.

Inta badan waxaa waalidka lagu eedeeyaa in ay isticmaaleen xoog ruxid ah. Matalanba waxaa la soo sheegay in ilmo muluq ah oo dhowaan dhashay la ruxay, taas u keentay in ay maskaxda dhiig uga furmo.  Dhiig maskaxda ku furmaana wuxuu keeni karaa dhimasho ama dhaawacyo halis iyo joogto ah.­

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".