Baarlamaanka Iswiidhen gudahiisa. Sawirle: Erik Mårtensson/TT

Xisbiyada oo dood doorashada ku saabsan uga socoto baarlamaanka

Maanta waxaa hoggaamiyayaasha xisbiyada dalka u bilowdey dood ballaaran oo doorashada soo socota ku saabsan oo ka dhacaysa baarlamaanka. Dooddaan dhexmareysa hoggaamiyayaasha xisbiyadana mid ayaa ka dambeyn doonta oo la qaban doono inta ka hooreysa doorashada qaran oo la qaban doono bisha Sebteember.

Dooddaan oo bilabatay sagaalkii subaxnimo waxaa bilaabay raysalwasaaraha dalka Fredrik Reinfeldt (M). Kadibna waxaa hadalka qaatay Mikael Damberg (S), Åsa Romson (MP), Jan Björklund (FP), Annie Lööf (C), Björn Söder (SD), Jonas Sjöstedt (V) iyo Göran Hägglund (KD).

Xisbiga Sverigedemokraterna waxaa doodda uga qaybgelaya Björn Söder oo ah xoghayaha xisbiga maadaama uu Jimmie Åkesson ku maqan yahay fasax waalid. Xisbiga Socialdemokraterna waxaa matalaaya sicii caadiga ahayn guddoomiyaha xildhibaanada xisbiga Mikael Damberg maadaama uusan hoggaamiyaha xisbigu Stefan Löfven xubin ka ahayn baarlamaanka, sidaas awgeedna uusan doodda ka qaybqaadan karin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".