Iswiidhen oo garsoorayaal u direysa cayaaraha kubbadda cagta adduunka
La daabacay onsdag 15 januari 2014 kl 11.15

Jonas Erikssin. Sawirle: Patric Söderström / TT
Xulka qarnaka ee Iswiidhen kama qaybgeli doonaan cayaaraha adduunka ee kubbadda cagta oo lagu qaban doono dalka Baraasiil kulaylaha foodda nagu soo haya. Balse waxay Iswiidhen u direysaa Baraasiil saddex garsoore kubbadda cagta.
Saddexdaan garsoore ayaa kala ah garsoore ama aarbitare Jonas Eriksson iyo labo calanhaye oo kala ah Mathias Klasénius och Daniel Wärnmark. Saddexdaan garsoore waxay wax ka xukumeen cayaarihii horyaalka kubbadda cagta ee Yurub oo dhacay sannadkii 2012.
Isha: Radiosporten
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.