Isbitaalka jaamacadda ee Sahlgrenska, Göteborg. Sawirle: Marie Ullnert/Sahlgrenska. (CC)

Mashruuc baaritaan caafimaad oo lagu soo bandhigayo isbitaalka Sahlgrenska

Mashruuc ballaaran oo lagu baarayo cudurada ku dhaca wadnaha, xididdada iyo sambabada ayaa maanta lagu soo bandhigayaa isbitaalka jaamacadda ee Sahlgrenska.

Ilaa 30 000 oo iswiidhish ah ayaa xaaladdooda caafimaad baaritaan lagu sameynayaa si loo helo khatar ka iman karta xanuunada kala ah wadne-wareen, wadnaha oo si kedis ah shaqada u joojiya iyo cudurada kale ee wadnaha asiiba.

Ujeeddo kale oo baaritaankaan laga leeyahay ayaa ah in goor hore la sii ogaado cudurada sambabada ku dhaca sida cudur ku dhaca dhuumaha sambabada oo ciriiri ka dhiga.

Mashruucaan oo daraasad ah ayaa maanta lagu soo bandhigayaa isbitaalka jaamacadda ee Sahlgrenska oo ku yaal Göteborg.

Isha:

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".