Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasaaradda arrimaha dibedda oo dumarka uga digeysa inay keligood u safraan Hindiya

Publicerat torsdag 16 januari 2014 kl 12.56
Xeebta Baga Beach ee Goa, Hindiya. Sawirle: TT

Wasaaradda arrimaha dibedda Iswiidhen ayaa dumarka uga digeysa in ay keligood u safraan dalka Hindiya, taas oo la xiriirta kufsiyo is dabajoog ah oo waqtiyadii dambe dhacay dalkaas. Shalay fiidkii ayaa haweeney u dhalatay dalka Daanmark lagu kufsaday meel ku taal magaalada-madaxda Hindiya ee New Delhi.

– Waxaan ku talineynnaa in ay dumarku ka taxadaraan in ay keligood tagaan meelaha aan dadka badan joogin iyo in ay keligood ku safraan gaadiidka magaalooyinka ka dhex shaqeeya oo ay ka mid yihiin basaska iyo tagaasidu waqtiyada habeenimada. Digniintaasina waxay khuseysaa dalka oo dhan. Sidaasna waxaa idaacadda telefishanka ee SVT u sheegtay Karin Nylund oo wasaaradda arrimaha dibedda u qaabbilsan saxaafadda.

Shirkadda Apollo oo ah shirkadda keli ah oo qabanqaabisa dalxiisyada Hindiya ayaa macaamiisheeda kula talineysa in ay raacaan talooyinka wasaaradda arrimaha dibedda, laakiin ma dooneyso in ay dumarka uga digto in ay keligood safraan, maadaama ay safarada ay qabanqaabiyaan u badan yihiin Goa, halkaas oo ay sannadkii ka dhacaan kufsi aad u yar.

Isha: SVT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".