Johan von Schéele, oo ka socda hoggaanka dugsiga . Sawirle: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.

Dugsiga Lundsberg oo arday dalka gudahiisa ka raadinaaya

Dugsiga la jiifsado ee Lundsberg ayaa hadda dadaal ugu jira sidii uu u jiri lahaa kadib wararkii laga qoray oo ku saabsan dhibaatooyinka sharaf-rid ka dhacay dugsiga. Kadib markii arday badani ayaa dugsiga isaga tagtay, ayuu hoggaanka dugsigu dadaal ugu jiraa sidii loo soo jiidan lahaa arday dugsiga dhigata.

- Waxaan wajaheynna dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba, laakiin waa in aan culeyska saarnaa arday ku nool degaanada nagu dhow. Sidaasna waxaa yiri Johan von Schéele oo ka socda hoggaanka dusgiga.

Dugsigu wuxuu ku talajiraa in la soo jiito dhallinyarada degaanada ay ka mid yihiin Storfors iyo Kristinehamn si ay waxbarasho ugu soo aadaan dugsiga Lundsberg halkii ay ka dooran lahaayeen dugsiyada sare ee degaanadooda.

Hoggaanka dugsiga ayaa intaas ku daray in haddii la doonayo in dugsigu noolaado loo baahan in laga tago dhaqamadii iyo dabeecadihii gaboobey.

Isha: SVT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista