Wasiiradda caddaaladda Beatrice Ask. Sawirle: Foto: Bertil Enevåg Ericsson/TT

Hindise dowladdu ku dooneyso in lagu adkeeyo ciqaabta weerarada kombiyuutarada

Dowladda ayaa dooneysa in la adkeeyo ciqaabta lagu muteysto u dhaca kombiyuutarada hay’adaha iyo shirkadaha. Hindisahaan ayey dowladdu ku dooneysaa ciqaabta laga dhigo lix sano oo xabsi ah halkii ay horay uga ahayd laba sano oo xabsi ah.

Wasiiradda caddaaladda Beatrice Ask oo maanta hindisahaan u gudbisey guddiga sharcidejinta ayaa sheegtay in sharcigaan oo la adkeeyaa uu keeni karo in dembiyo kale laga hortago:

- Waxay arrintaani ku saabsanaan kartaa macluumaad xasaasi ah oo loo dhaco, sida macluumaadka isbitaalada oo inta lala soo baxo la akhristo, taasina ay keeni karto cawaaqib khatar ah. laga yaabee in loo dhaco habka bixinta lacagaha hawlgabka oo carqalad la geliyo ama waxyaalo kale oo la mid ah.

Waxaa sanooyinkii dambe loo dhacay ama weerar lagu qaaday kombiyuutarada shirkado, bangiyo iyo hay’ado dowladeed, halkaas oo dadkii weerarka soo qaaday isku dayeen in ay la wareegaan macluumaadka bangiyada ama lambarada kaararka bangiga.

Meelo kale oo looga macluumaad sir ah waxaa ka mid ah Hay’adda canshuuraha iyo Hay’adda qaan-ururinta.

Isha: SVT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".