Tabeelaha carwada caalamiga aflaamta ee Göteborg. Farshaxanleyaal: Pussy Riot. Sawirle: Karin Forsmark/SR

Carwada Caalamiga aflaamta Göteborg ee sannadka oo furmi doonta

Carwadda ayaa tooshka lagu saari doonaa aflaamta Ruushka
6:00 min

24-ka bishan jannaayo ayaa xariga laga jari doonaa xafladda carwada caalamiga Göteborg ee sannadka 2014, iyadoona diiradda sannadka lagu saari doono far-shaxanka aflaanta dawladda Federaalka ee Ruushka. Jonas Holmberg, ahna ku simaha hogaamiyaha far-shaxanka ee carwada:

- Midka raadka ballaaran ku reebaya carwada aflaanta ee ka dhici doonta magaalada Göteborg ayaa ah kala duwanaanta aflaanta lagu soo ban-dhigi doono carwada. Kuwaasi oo ey ka mid yihiin aflaanta yaryar ee dokumentaariga ah, sida xarigga (waayarka) dheer ee Nepaal iyo aflaanta waaweyn ee ka mid ah kuwa dadka badankii ey hadal hayaan.

Carwada caalamiga ah ee Göteborg oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno (GIFF) Göteborg International Film Festival (GIFF) oo furmi doonta 24-ka bishan jannaayo, soconna doonta illaa iyo saddexda bisha feeberaayo waxaa lagu soo bandhigi doonaa aflaan gaarsii-san 500, kuwaasina oo lagu xarig jari doono aflaan iswiidhish, kuwo waddammo dibadda ah lagu sameeyey noocyo kala duwan oo markii ugu horeeysay la daawan doono iyo sidoo kale abaal-marrinno qiimo leh oo halkaasi la isku gudoon-siin doono.

Sannadka ayaa carwada lagu furi doonaa filimka lagu magacaabo "Någonting måste gå sönder - waa in wax hallaabaan (jabaan)" oo uu soo saare ka yahay Ester Martin Bergsmark. Iyadoona ay far-shaxanlada carwada Marit Kapla ay shir jaraa'id kaga war-bixisay dhumucda filimka iyo soo-saarahaba:
- Filimkii ugu horeeyay ee uu soo saare ka noqdo "magie vacknar på balkongen" ee sannadkii 2008 ayuu ku muteeystay abaal-marinta lagu magacaabo Guldbagge, filimkaasina markii ugu horeeysay laga dhigay isla magaalada Göteborg. Sidoo kale wuxuu soo saaraha filimku soo ban-dhigay aflaam kale oo aad loo xiiseeyey oo uu ka mid ahaa filim lagu magacaabo "pojktanten, qeyb ka ahaa aflaam u tartameeysey abaal-marinta aflaamta ee waddammada dhaca waqooyiga Yurub.

Carwada caalamiga ee Göteborg ayaa sannad walba diiradda lagu saaraa waddan ka mid ah waddammada caalamka. Iyadoo sannadka ey miiska saaran yihiin aflaamta dalka Ruushka. Iyadoona uu raadka ugu ballaaran ku leeyahay far-shaxanka isu-geeyngeeynta ee kooxda Pussy Riot. Muddada ay carwadu socoto ayaa lagu soo ban-dhigi doonaa aflaam dokumentriyo, aflaam gaagaaban iyo kuwo dhaadheer ee lagu sameeyey dalka Ruushka Saameeynta, halka dhanka kale la qaban doono aqoon-is-weeydaarsiyo diiradda lagu saareyo dalka Ruushka.

Ku simaha madaxa far-shaxanka ee carwada Jonas Holmberg oo middaa ka hadleya ayaa sheegay:
- Xitaa iyada oo aflaam wax ku ool ah laga soo saareyo dalka Ruushka, ayaa dhanka kale waxaa sii adkaanaya cimilada lagu howl-galo ee dalka Ruushka oo uu maamulkiisa gacanta ku hayo Putin. Iyada oo sida dad badani dareen-san yihiin la og-soon yahay inuu aad u sii batey culeeyska kaga soo kordhaya howl-wadeennada aflaamta dhanka maamulka. Iyo saameeynta middaasi ku yeelaneeyso ee dimoqoraadiyad darrida iyo bidhaaminta. Waxaan sidoo kale aannu miiska soo saari doonnaa qaar ka mid ah doodahaa oo iminkadanba dalkaasi ka aloo-san.

Carwada caalamiga ee aflaanta Göteborg waxaa sidoo kale lagu soo ban-dhigi doonaa xaaladda cakiran ee bulshada Roomigu ay ku sugan yihiin ee qaaradda Yurub. Qaasatan qaybta carwada ee "sawirrada roomiga". Waxaa halkaa lagu soo ban-dhigi doonaa aflaam ey sameeyeen shakhsiyaad ka soo jeedda qowmiyadda iyo kuwo aan ka soo jeedin-ba oo hab-sami u soo ban-dhigi doona suugaanta soo-yaalka ah ee laga dhaxley qowmiyadda Roomiga iyo xaaladda ey ku sugan yihiin.

                                                                      kenadid.mohame@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".