Sawirle: Abdullah al-Yassin/AP/TT

Qaxooti suuriyaan oo imaatinka Iswiidhen u soo mara dalka Maraykanka

Boliiska xuduudaha iyo hawlwadeenada Hay’adda Socdaalka ayey caadi u noqotey in ay la kulmaan qaxooti suuriyaan ah oo garoonka Arlanda ku yimaada diyaarad ay ka soo raaceen magaalooyinka Chicago iyo New York oo ku yaal dalka Maraykanka.

Wargeyska Dagens Nyheter ayaa warar xog-ogaal ah ku helay in qaxooti badan oo waddadaas soo mara ay fiisaha ay ku galeen Maraykanka ay ka soo qaateen safaaradda Maraykanka u fadhida magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.

Waxaa waqtigaan xaadirka ah horyaal Hay’adda Socdaalka ilaa 70 arrin oo khuseeya dad magangelya-doon ah oo Suuriya ka yimid, wateyna fiise Maraykan ah.

Sababta ay dadka suuriyaanka ahi Maraykanka uga soo tagaan oo Iswiidhen u yimaadaan waxaa lagu micneyn karaa in ay sabab u tahay Iswiidhen oo muwaadiniinta suuriyaanka ah siisa sharciga degganaanshaha joogtada ah. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista