Björn Fries. Sawirle: Peder Broberg/Sveriges Radio.

Siyaasi ka tirsanaa xisbiga S oo u wareegey xisbiga V

Kadib markii uu muddo 40 sano ah siyaasi iyo hawlwadeen ka ahaa xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayuu hadda Björn Fries ka baxay xisbiga oo u wareegey xisbiga Bidixda. Wuxuuna sabab uga dhigay in xisbiga Bidixdu uu ahmiyad weyn siiyo arrimaha la xiriira isu-gargaaridda dadka, sida uu u sheegay wargeyska Aftonbladet.se.

Tani waxay noqoneysaa markii labaad oo xisbiga S laga baxo muddo gaaban. Bilowgii bishii Noofember ayey ahayd markii uu garyaqaanka Claes Borgström oo horay u soo ahaan jirey wakiilka sinnaanta ragga iyo dumarku uu u wareegey xisbiga V.

Hawlaha uu Björn Fries horey u soo qaban jirey waxaa ka mid ahaa in uu soo ahaa xubin ka tirsan golaha degmada Karlskrona iyo in uu ahaa isuduwe qaran ee arrimaha maandooriyayaasha oo ay dowladdii Sooshiyaal-dimoqraadigu u xilsaartay intii u dhexeysey sannadihii 2002 iyo 2008.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".