Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qalliin dib-u-habayn dalqo oo markii ugu horreysey Iswiidhen ka dhacay

La daabacay fredag 17 januari 2014 kl 09.50
Sawirle: Erik Thyselius/SR

Dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaalka jaamacadda ee Uppsala ayaa markii ugu horreysey taariikhda Iswiidhen ku guuleystey in dib u habeeyaan dalqada qofka bukaanka ah. qofkaan bukaanka ah oo ah haweeney 44-sano jir ah ayaa la xanuunsaneyd cudur buro ah oo aan badanaaba dhicin laguna magacaabo kordom. Cudurkaas oo ku dhaca malyuun qofba mid.

Dhakhaatiirta ayaa horay buro weyn uga helay agagaarka lafta luqunta. Si ay buradaas u saaraanna waxay ku khasbanaadeen in ay meesha ka saaraan saddex ka mid ah riciraha luqunta iyo qayb weyn oo ka mid ah dalqada.

Haweeneydaan 44-sano jirka ah oo ku sugneyd inta u dhexeysa nolol iyo dhimasho ayaa hadda qalliinkaan kadib dib ugu heshay awooddeedii hadalka iyo in ay wax laqdo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".