Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Tobankii qof shaqa-la’aanta noqdayba sagaal ayaa durbadiiba helay shaqo cusub

Sannadkii 2013 ayaa dad tiradoodu gaareyso 15000 oo qof oo shaqooyinka ay hayeen aaway u ahaa sannad aad u wanaagsan kadib markii ay in ku dhow boqolkiiba sagaashan heleen shaqooyin cusub. Dadkaas oo u badnaa hawlwadeeno ka shaqeeya xafiisyo waxaa ka mid ahayd Marina Stålnäbb oo shaqadeeda weydey kadib markii ay muddo 33 sano ah soo haysey isku meel ka shaqeyneysey:

– Waxay la mid ahayd sidii in cagaha dhulka lagaaga rujiyey oo aad heehaabeyso meel maran oo aad is weyddiineyso – sidee ayey u dhici kartaa? Ayey Marina Stålnäbb.

Halka ay shaqaale caadi ah oo tiradoodu dhammeyd 24000 oo qof ay boqolkiiba 80 ka heleen shaqooyin cusub. Balse waxaa halkaas ka muuqatey in ragga iyo dumarku ay ku kala duwanaayeen shuruudaha lagu shaqaaleynaayey. Dumarku waxay badanaaba helayeen shaqooyin waqtigoodu xaddadan yahay marka ragga la barbardhigo.

– Badanaaba waxay taasi keentaa dareen wax hubid la’aan ah oo uusan qofku qorshe u sameyn karin nolol-maalmeedkiisa. Waxaa la is weyddiiyaa: Waqti intee le’eg ayaan sii shaqeyn doonaa iyo goormaan jawaab heli doonaa? Sidaasna waxaa yiri Calle Leinar oo agaasime guud ka ah shirkadda baaritaanka soo sameysey oo lagu magacaabo TRR Trygghetsrådet.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".