Karin Svensson Smith oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet. Sawirle: TT

MP oo doonaya in dowladdu dib u la wareegto shirkadda tareenada ee SJ

Xisbiga Doogga ama Miljöpartiet ayaa dalbaya in dhammaan gaadiidka tareenada maamulkooda dib loogu celiyo shirkadda gaadiidka iyo waddooyinka tareenada oo loo soo gaabiyo SJ. Sidaasna waxaa qoray wargeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter. Karin Svensson Smith oo guddiga sare ee xisbiga Doogga u qaabbilsan arrimaha gaadiid ayaa ka dhaqaajisay in xisbigu doonayo in "hay’ad qaran la wareegto mas’uuliyadda gebi hawlahaas ".

Balse xisbiga lagu wado in ay dowlad isla soo dhisaan haddii ay doorashada ku guuleystaan oo ah Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa isagu shaki ka muujiyey in ay arrintaasi tahay waddo sax ah.

Anders Ygeman (S) oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gaadiidka ee baarlamaanka ayaa qushuucid taxadar leh u muujiyey kor ka ilaalinta gaadiidka tareenada.

- Waxaan ka fiirsan karnaa in la tijaabiyo habka in hal hay’ad, sida SJ, ay la wareegto mas’uuliyadda maamulidda hal khad, oo ka kooban tareenada, waddooyinka tareenada iyo maxaddooyinka, sida uu Anders Ygeman u sheegay wargeyska DN.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".