Wasiiradda Caddaaladda Beatrice Ask. Sawirle: TT

Hindise lagu doonayo in ciqaabta guurka khasabka ah la adkeeyo

Dowladda ayaa dooneysa in ay dhowaan guddiga sharci-dejinta u gydbiso hindise qodob sharci oo lagu daro sharciga oo lagu magacaabo guurka khasabka ah si loo la dagaalamo guurka la isku khasbo iyo in la guursado dad aan weli qaangaaqin.

Ujeeddada laga leeyahay hindisahaan ayaa ah in la wanaajiyo sidii loo gaari lahaa waalidka iyo qaraabada ku khasba carruurta iyo dhallinyarada in ay guursadaan.

Hadda waxaa dembi ciqaab lagu muto ah in qof lagu khasbo guur – khasab sharcidarro ah. Balse sharcigaan ayaa looga gol leeyahay in la xoojiyo ciqaabta oo laga dhigo ugu badnaan lix sano oo xabsi ah halka ay hadda ka tahay laba sano oo xabsi ah. Hadda kadibna ma suuroobi doonto in guurkaas khasabka lagu qabto dalka dibeddiisa si loo garabmaro sharciga Iswiidhen u degsan. Xataa waxaa ciqaab lagu mudan karaa qabanqaabada guur khasab ah.

Wasiiradda caddaaladda Beatrice Ask ayaa arrintaan ka tiri:

- Waxaan rajeynayaa in sharcigaan la hirgeliyo xilliga kuleylaha soo socda. Hadda waxay arrintu hortaal guddiga sharci-dejinta iyo baarlamaanka oo ay ku xiran tahay hadba sida ay u go’aamiyaan. Waxaanse aamminsanahay in Iswiidhen la isku waafaqsan yahay in qof waliba xor u yahay in uu doorto qofka uu la noolaanaayo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".