Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wakaaladda gaadiidka oo maalgelineysa sidii looga hortegi lahaa dadka tareenada isu dhiga

La daabacay måndag 20 januari 2014 kl 11.12
Sawirle: Petros Giannakouris / TT

Waxaa sanooyinkii dambe soo kordhayey tirada dadka isu dhiga waddooyinka tareenada si ay isu dilaan, tiradaas oo hadda ah ilaa boqol qof sannadkiiba. Si haddaba tirada dadka isdila hoos loogu dhigo ayey hadda wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinku hal bilyan iyo bar karoon ku maalgelineysaa laba iyo tobanka sano oo soo socda. Waxaana la filayaa in tirada dadka isdila kala bar oo bar ama boqolkiiba 50 la dhimo sannadkiiba inta ka horreysa sannadka 2020.

Wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinku waxay hadda dib u eegeysaa sidii loo heli lahaa habab badan oo dadka looga dheereeyo waddooyinka tareenada. Waxaana tallaabooyinkaas ka mid ah in deyr lagu wareejiyo, lagu rakibo kaamirooyinka dhaqdhaqaaqa ku shaqeeya ama farsamooyin kale oo durbadiiba lagu arki karo dadka soo gala agagaarka waddooyinka tareenada amase lagu adkeyn karo in ay halkaas sooba galaan.

Isha: Vetenskapsradion

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".