Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Säpo oo dacwad ka gudbisey maqaayad bannaanka u tuurtay Kent Ekeroth

La daabacay måndag 20 januari 2014 kl 11.39
Kent Ekeroth.

Sida laga soo xigtay ciidanka nabadsugidda oo loo gaabiyo Säpo waxaa dhici karta in Kent Ekeroth oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen loo geystey fal dembi ah kadib markii habeenkii sabtidu soo geleysey laga codsaday in uu ka baxo maqaayad ku taal bartamaha Stockholm.

Ekeroth wuxuu sheeganayaa in sababta loo weyddiistey in uu isaga baxo maqaayaddaas ay ahayd in uu ka tirsan yahay xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen  ama Sverigedemokrat.

Dhanka kale ayaa sheegtay in Ekeroth laga saaray maqaayadda kadib markii uu sharaf-dhac u geystey qof dumar ah oo ka mid ahayd martida maqaayadda.

Sidaas awgeed ayuu hadda Kent Ekeroth ku talajiraa in uu gudbiyo dacwad ka dhan ah maqaayadda oo ku saabsan sharaf-rid.

Ciidanka nabadsugidda ayaa isaguna dacwad ka soo gudbiyey arrintaan sida uu idaacadda Ekot u sheegay Mark Vadas zoo ah madaxa isgaarsiinta ee ciidanka nabadsugidda:

- Ciidanka nabadsugiddu wuxuu qoray dacwad ku saabsan tuhun laga qabo takoorid la xiriirta dhacdadii habeenkii jimcaha. Waxaana hadda arrintaan loo gudbiyey xeerilaaliyaha si uu u eego oo u qiimeeyo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".