Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

LO oo wax ka beddeshey aragtideedii ka macaashka laamaha adeegga bulshada

Kuxigeenka koowaad ee hoggaamiyaha LO Tobias Baudin. Sawirle: Leif R Jansson/Scanpix.

Dalladda ururada shaqaalaha oo loo gaabiyo LO ayaa muddo laba sano ku dhow u ololeyneysey in aad loo yareeyo ka macaashidda laamaha adeegga bulshada. Balse hadda ayey isbeddeshey oo sheegtay in ay aqbali karto in ay heshiis isu tanaasul ah la gasho shaqa-bixiyayaasha.

Dalladda LO waxay hadda dooneysaa in la helo "nidaam iswiidhish ah" oo loogu talagalay nolol-wanaagga bulshada. Nidaamkaasna waxaa ka mid ah xorriyadda cidda adeegyadaas qabanqaabineysa iyo in shuruud lagu xiro shaqagelinta iyo tayada adeegyadaas.

Su’aal aad muhiim ugu ah LO, ururada ganacsataduna u arkaan arrin dabin ku jiro, ayaa ah in ururada shaqaaluhu doonayaan in maamulada degmooyinka iyo goboladu ay saameyn ballaaran ku yeeshaan shirkadaha doonaya in ay ka hawlgalaan laamaha adeegga bulshada.

Kuxigeenka koowaad ee hoggaamiyaha LO Tobias Baudin ayaa wargeyska Dagens Nyheter u sheegay: "Sida ay noogu muuqato waxaa jira shuruudo aad u wanaagsan oo keeni kara in lagu heshiiyo nidaam cusub ii iswiidhish ah oo ku saabsan in nidaam iyo hab-wanaag ka jiro laamaha adeegga bulshada. Haddiise aan guul laga gaarin, kolkaas waa in laamaha sharci-dejintu meesha soo galaan ".

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".