Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Xildhibaanka xisbiga Sverigedemokraterna Kent Ekeroth. Sawirle: Anders Wiklund/Scanpix

Dad-faquuq ma ahayn in Kent Ekeroth dibedda looga saaro maqaayadda

Xeerilaaliye Ronnie Jacobsson ayaa go’aan ku gaarey in aan baaritaan lagu sameyn arrintii ku saabsanayd haddii ay dad-faquuq ahayd in xildhibaanka xisbiga Sverigedemokraterna laga saaro maqaayad aragtidiisa siyaasadeed awgeed.

Xeelilaaliyuhu wuxuu sheegay in Ekeroth si qaldan dhacdadaas u qiimeeyey:

- Anigoo guriga jooga oo is diyaarinaya ayaa la soo wacay oo waan degdegsanaa. Sarkaalka mas’uulka ah ee ciidanka nabadsugidda ayaan hawshaan ka helay, isla markiina waxaan ku dhaqaaqay in aan sharciga eego. Waxaan kolkaas u arkay in ay jirtey sabab dacwad loo bilaabo, laakiin markaan si dhan ugu kuurgalay, waxaa ii soo baxay wax kale oo aragtidii hore ka geddisan, ayaan oran karaa.

Arrintaani waxay la xiriirtey booqasho uu Ekeroth jimcihii ku tegey maqaayad ku taal bartamaha Stockholm, halkaas oo markii dambe lagu khasbay in uu maqaayadda isaga baxo.

Ekeroth wuxuu sheeganayaa in sababta loo weyddiistey in uu isaga baxo maqaayaddaas ay ahayd in uu ka tirsan yahay xisbiga Dimoqraadiyiinta Iswiidhen  ama Sverigedemokrat. Balse maqaayadda ayaa sheegtay in Ekeroth laga saaray maqaayadda kadib markii uu sharaf-dhac u geystey qof dumar ah oo ka mid ahayd martida maqaayadda.

Intaas kadib ayey ciidanka Säpo iyo Kent Ekeroth labaduba dhacdadaan dacwad ka soo gudbiyeen, taas oo hadda la buriyey ama la tirtiray.

Isha: Ekot, TT

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".