Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Daroogada Internet laga iibsado. Sawirle: Drago Prvulovic / SCANPIX

Noocyada daroogada Internet laga iibsado oo la doonayo in sharcidarro laga dhigo

Maandooriyayaal ama daroogooyin hor leh ayaa Iswiidhen ku soo qulqulaya, hay’adaha dowladdu mar walba waa ay ka dib dhacsan yihiin ka hortagooda. Sidaas awgeed ayey hadda soo baxayaan dhawaaqyo badan oo doonaya in la hirgeliyo nooc cusub oo sharci oo ku dhisan in heerar loo sameeyo noocyada maandooriyayaasha, si loo dedejiyo in maandooriyayaasha cusub heerkooda dhaqso loo qiyaaso. Taasi waxay keeni kartaa in isbeddel yar oo maandooriyayaashaas lagu sameeyo uu sharcidarro noqodo. Hay’adaha ku shaqada lihi waxay hadda raacaan nidaamka in nooc walba oo cusubi uu sharcidarro yahay iyadoo mid mid loo qiimeynayo.

Balse caalin ku takhasusay maandooriyaha oo lagu magacaabo Lars Hansson kana hawlgala wakaaladda kastamka ayaan aamminsaneyn in heer u sameynta noocyada maandooriyayaashu ay xal noqon karto oo ay dhalin karto dood xagga sharciga:

- Waa wax dhib badan. Xataa haddii ay maandooriyayaashaasi isku nooc yihiin, waxaa dhici karta in ay awooddoodu kala duwan tahay. Markaas waxaa dhici karta in qof lagu xukumo nooc ay awooddeeda saameyntu la mid noqon karto sonkorta.

Isha: Kaliber

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".