Bannaanbax looga soo horjeedo xoog-isticmaalka galmada la xiriira

Iyagoo wata tabbeellayaal ay ku qoran yihiin halkudhegyo ay ka mid yihiin "Mayaa galmo xoog ah – Haa isku waafaqid " ayey dad tiradooda lagu qiyaasey 3 000 oo qof maalintii sabtida isugu yimaadeen fagaaraha Medborgarplatsen oo ku yaal xaafadda Södermalm oo xaafadaha Stockholm ka mid ah.

Waxaa bannaanbaxaan isla soo qabanqaabiyey ururo iyo wakiilo arrintaan u ololeeya iyo shakhsiyaad gaar ah.

Dadkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madeleine Leijonhufvud oo ah caalin jaamacadda wax ka dhigta iyo Gudrun Schyman oo ka socota xisbiga xuquuqda haweenka u dooda oo lagu magacaabo Feministiskt initiativ. Waxaa kaloo iayaduna halkaas ka hadashay wasiiradda dimoqraadiyadda Birgitta Ohlsson oo uu xisbigeedu (Folkpartiet) dhowaan is garabtaagey dalabka ah in xeerka dembiyada galmada la xiriira lagu qoro in dadka isla galmoonayaa isku wada waafaqsan yihiin ama ay raalli ka wada yihiin in ay galmo sameeyaan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".