Go'aanka maxadooyin tareemo lagu dhisi doono

Hayad-goboleedka iyo guddiga gaadiidka ee magaalada Istockholm ayaa maanta la fileyaa iney dubbaha ku dhuftaan dhismooyin dheeri ah oo lagu dhiseyo maxaddooyin hor leh ee tareemmada dhulka hoostiisa mara (tunnelbanna), kuwaasina oo tiradoodu gaarsii-san yihiin 9 maxaddo oo ey ku kici doonto miisaaniyad gaarsii-san 26 bilyan oo koron.
Dhismahan oo ah mid baaxad weyn ayaa dhererkiisa lagu qiyaasey laba miil (20 kiiloomitir) kuna wajahan degmooyinka Nacka, Solna iyo Järfälla.

Qorshahan lagu dhisi doono maxaadooyinka tareemmada dhulka hoostiisa mara ayaa suurtagal ka dhigi doona dhismooyin guryo cusub oo gaarsiisan 80 000, kuwaasina oo ey wada-jir u maal-gelin doonaan dawladda iyo kor u qaadid qidmadda gawaarida isaga gooshta faras-magaalaha.

Laba sannadood dabadeed ayuu bilaaban doonaa qorshaha dhismooyinkan haddii dubbaha maanta lagu dhufto oo la go'aamiyo. Halka sidoo kale la fileyo in la soo gabagabeeyo sannadka 2025.

Isha/ P4 Stockholm

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".