Sawirle: Hasse Holmberg/TT

Jirdilka ey isu geeystaan waayeellada ku dhaqan goobaha xannaanada

Waa falal caadiyan u dhaca iney waayeelka ku dhaqan goobaha xannaanada waayeelku jir-dil isu geeystaan, sida uu qoray war-geeyska Aftonbladet oo daba-gal ku sameeyay dhacdooyin noocaasi ah oo gaarsiisan 23 ee sannadkii 2013. Dhacdooyinkaa ayaa inta badan ka dhacey goobaha dar-yeelka waayeelka dhimirka beeley.

War-geeyska ayaa sidoo kale qoray in dhacdooyinkii jir-dilka sannadkii tagay oo ey isu geeysteen waayeelkaasi ey badankood ahaayeen kuwo halis ah, sida ku cad dacwooyinka laga gudbiyey.

Sababaha ugu waaweyn ee kelifa ayaa ah in mid ka mid ah waayeelku uu si khaldan u galo qowlad aan tiisii ahayn oo kolka uu ku arko ruux kale ay middaasi caro gelisaa.
- Waayeelka dhimirka la' ayaa u dhaqma hab ka duwan sidii ey u dhaqmi lahaayeen haddii uu dhimirkoodu dhammaan lahaa, sida ay sheegtay Sara Wägnert, kana mid ah hoowl-wadeennada goobaha dar-yeelka. Haweeynaadsina oo sabab u ahayd xeerka lagu magacaabo Lex Sarah iyo inay waajib tahay in goobta shaqadu dacwad ka gudbiso khaladaadka dhaca.

Isha/ Aftonbladet

                                                                     kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".