Hogaamiyeyaasha xisbiyada dalku ma xiiseeyaan siyaasdda EU

Iyada oo ay iminka ka har-san tahay muddo afar bilood ah doorashadii xubnaha baarlamanka ee waddammada xubnaha ka ah is-baheeysiga EU-da ayaaney doodaha dalkani ku saleeysneyn doorashadaa.

Toddobaadkii ina dhaafay oo ay xarunta baarlamanka dalka ku dhex-martay dood ballaaran oo socotay muddo afar saacadood kor u dhaafeeysa hogaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh, ayaa laba jeer oo keliya oo si aan muhiimad sidaa u ballaarneyn loogu carabaabey ururka EU-da: Åsa Romson kana mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Doogga mar ay ka hadleeysay xaaladda cimilada iyo Björn Söder-ka xisbiga siyaasadda fog ee midigta (SD) oo su'aal ku weydiiyay hogaamiyaha xisbiga Shacabka, Jan Björklund iyo inuu dooneyo in ururka EU-du noqdo sidii dawlad fedeaal ah.

Waa xaalad halis ah in aan doodaha looga hadlin ururka EU, sida uu qabo aqoon-yahanka culuunta dawlad-nimada Magnus Blomgren, kana howl-gala jaamicadda  Umeå. Isagoona uu caalinku middaa taageero kaga heley Göran Färm oo xisbiga (S) u matalayay baarlamanka Midowga Yurub laga bilaabo sannadkii 1999. Isagoona sheegay inay sii ballaanayo masaafada laga fog yahay nidaamka talo wadaagga ee dimoqoraadiga, iyada oo weliba go'aammada ka soo baxa ururka EU-du ey saameeyn ballaaran ku yeeshaan nolosha bulshada.

Isha/ SR International

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".