Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

DOOD: Tacadiyada loo geeysto howlwadeennada siyaasiyiinta

La daabacay tisdag 21 januari 2014 kl 12.50
Baarlamaanka Iswiidhen gudahiisa. Sawirle: Erik Mårtensson/TT

Doodda maanta ka dhici doonta baarlamanka dalka oo la xiriirta dhibaatooyinka lagu hayo siyaasiyiinta ayaa ka dambeeysa dhacdooyin dhowr ah oo waayadan dambe dhacey, sida ay qortay hayadda wararka Iswiidhen oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno TT.

Dooddana ayay codsadeen xubnaha xisbiga siyaasaddiisu ku saleey-san tahay midigta fog ee SD, iyadoona middaa sal looga dhigey doolshihii lagu dhuftay hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson, weerarkii ay koox naasi aho ku weerareen bannaan-bax looga soo hor-jeedo faqooqa ee xaafadda Kärtorrp gabagabadii sannadkii tagay ee 2013 iyo sidoo kale dhacdadii miinada loogu dhigay xubin ka tir-san siyaasiyiinta xisbiga SD ee gobolka Skåne.

Hase yeeshee caqabadda ballaaran ayaa ah in siyaasiyiin badani aaney dacwad ka gudbin hanjabaadda loo geeysto.

(- Halka siyaasiyiinta qaarkood sheegaan iney hanjabaadahaasi ka mid yihiin hoowlaha siyaasadda oo ey faraha kula jiraan, sida ay sheegtay Lisa Wallin, kana mid ah baareyaasha ka howl-gala hayadda ka hor-tagga dembiyada (Brå).

  Lisa Wallin ayaa jeclaan lahayd in aanay dooddu noqon oo keliya is-jiijiid siyaasadeed, maadaama ay dhibaatooyinkaasi la soo gudboonaadaan dhammaan howl-wadeennada xisbiyada kala duwan.

Isha/ TT

                                                                       kenadid.mohamed@gu.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".