Magdalena, af-hayeenka dhaqaalaha (S) iyo wasiirka dhaqaalaha Anders Borg. Sawirle: Jonas Ekströmer/Henrik Montgomery / TT

Weerarrada xisbiyada ee miisaaniyadda dalka

Xubnaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga waxey weli halkoodii ka sii wadaan weerarradoodii ku aadanaa wasiirka dhaqaalaha ee dalka Iswiidhen Anders Borg (M), kuwaasina oo la xiriira hoos u dhaca dakhliga ee khasnadda dawladda, sida ay qortay hayadda wararka Iswiidhen ee TT.

Af-hayeenka xisbiga ee dhanka siyaasadda dhaqaalaha Magdalena Andersson ayaa ka digtay iney si degdeg-siimo leh hoos u dhac ugu timaado dakhliga khasnadda dawladda, middaasina oo aan marnaba loo barbar-dhigi karin xaaladdii dhaqaalaha cakirneeyd ee sannadihii sagaashameeyadii.

(- Hase yeeshee haddii lagu socdo dhabbada iminka lagu taagan yahay ay suurtagal tahay in la gaaro xaaladdaa, sida ay ku sheegtay shir-jaraa'id oo xisbigu soo abaabulay maanta oo salaasa ah.

Deeynta dalka lagu leeyahay ayaa gaarsiisnayd gabagabadii sannadkii 2013 dhaqaale gaarsii-san 1 277 bilyan oo koron, sida ku cad war ka soo baxay wasaaradda dhaqaalaha, laanteeda miisaaniyadda dawladda.

Isha/ TT

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".