Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xafladdii abaalmarinta aflaamta ee Guldbagge oo xalay la qabtay

La daabacay tisdag 21 januari 2014 kl 16.08
Sumadda abaal-marinta aflaamta ee "guldbagge"

Xafalddii abaal-marinta Guldbagge ee aflaamta oo xalay qabsoontay ayey abaal-marrinta ugu ballaaran ee aktarka iyo filimka ugu wanaag-san ey ku hardamayeen laba haween. Anna Odell oo jileeysay filimka "Återträffen - dib u kulmiddii" uu noqday filimka ku guuleeystay abaal-marinta filimka ugu wanaag-san ee sannadka, halka ay Edda Magnasson ey ku guuleeysatay abaal-marinta aktaradda ugu wanaag-saneeyd ee aflaanta sannadka, iyadoona aktariisa ka ahayd filimkii Monica Z halka uu Per Fly ku hantiyay abaal-marinta soo-saaraha sannadka ee isla filimkaa.

-  Waa muhiim in la helo dadyoow aamin-san inaad howsha sii waddo oo aad ku guuleey-san karto. Waa mid kalsooni ku siin kareeysa, hase yeeshee ma qabo in middaasi is-bedel kugu dhalin doonto ama ey qorshooyin kale meesha ka dhashaan, abaal-marinta darteed.

U maleeyn maayo middaa, sida ay sheegtay Anna Odell oo xafladdii dabadeed wareeysi siisay Shakila Edizada oo ka howl-gasha idaacadda caalamiga ee raadiyaha Iswiidhen.

Halka ay Edda Magnasson sheegtay in aanay qiyaasi karin waxa ay abaal-marintani uga dhigan tahay mustaqbalka. Hase yeeshee ay mid hubto:
- Bal aan aragno mustaqbalka. Waxaan weli ku mashquul-sanahay muusikadaydii, hase yeeshee aan bal aragno mustaqbalka iyo wixii ka soo baxa. Lama qiyaasi karo mustaqbalka. Hase yeeshee caawadan aad baan ugu farax-sanahay, sida ay sheegtay Edda Magnasson.

Isha/ SR International

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".