Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Ilmo sabi ah. Sawirle: Jurek Holzer / SvD/ Scanpix

Magacyadii ilmaha ee ugu caansanaa 2013

Magacyada Alice iyo Lucas ayaa noqdey magacyada loogu jecel yahay, isla-markaana loo bixiyey dhallaanka ugu tirada badan ee dalka ku dhashey sannadkii tagay 2013, sida uu muujiyay tira-koob ay soo saartay hayadda tirakoobka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SCB. Tira-koobkaasina oo maanta la shaaciyey.

Sannadkii tagay ee 2013 ayaa 903 ka mid ah hablihii dhashey loogu wal-qaley magaca Alice, noqdayna magacii ugu tirada badnaa ee hablaha loo bixiyo saddex sannadood oo isku xigta. Magaca Lucas ayaa sidoo kale loo bixiyey wiilal tiradoodu gaarsii-san yihiin 935 ee dhashey sannadkii tagay, kaasina oo kaalinta koowaad ka qaaday magaca William, ahaana magacii kaalinta koowaad ku jirey labadii sannadood ee ugu dambeeyey, iminka galey kaalinta labaad.

   Kaalinta labaad iyo saddexaad ee magacyada hablaha ayey kala hantiyeen sida ey u kala horeeyaan magacyada Maja oo loo bxiyey 767 hablood, iyo Elsa oo loo bixiyey 766 hablood oo dhashey sannadkii 2013. Kuwaasi oo ey soo raacaan magacyada Ella, Julia, Ebba, Alicia, Olivia, Alva iyo Wilma.

Dhanka wiilasha ayuu kaalinta saddexaad hantiyay magaca Oscar oo ey soo raacaan magacyada Oliver, Hugo, Charlie, Liam, Alexander, Axel och Elias sida ey u kala horeeyaan.

Illaha/ TT, SCB

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".