Sawirle: Jessica Gow/TT

Dhaqaalaha dalka oo kor u kici doona 2014

Kobaca dhaqaale ee dalka ayaa geli doona xawli sarreeya sannadkan 2014, halka dhanka ey middaa hakad gelin doonto dhaqalaha qooysaska oo u sahlan saameeynta ay ribadu ku yeelan karto sannadka foodda innagu soo haya, sida ey qoreen dhaqaale-yahannada bangiga Swedbank oo soo ban-dhigey sadaalintoodii la xiriirtay dhaqaalaha Iswiidhen, sida ay sheegtay hayadda wararka Iswiidhen ee TT.

Bangiga ayaa qiimeeynaya in kobaca dhaqaale uu gaari doono 3,2% sannadkan, halka uu hoos u dhici doono, gaarina doono 2,7% sannadka foodda innagu soo haya. Shaqa-la'aanta ayaa la saadaalineyaa iney gaarto 7,7% sannadka, halka sannadka xiga ay hoos u dhici doonto, ayna noqon doonto 7,3%.

  Sicir-bararka ayaa sanadka noqon doona 0,6% si uu sannadka xiga kor ugu kaco uuna gaaro 2,5%. Tiradaasina oo ka sarreeysa goolka bangiga qaranka u deg-san ee ah 2,0%.

Isha/ TT

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista