Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhen oo dooneysa in khilaafta Suuriya loo helo xal siyaasadeed

La daabacay onsdag 22 januari 2014 kl 10.35
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon oo shirka nabadda Suuriya ka furaya Genéve. Sawirle: Fabrice Coffrini/AFP/TT.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iswiidhen Carl Bildt ayaa hadda ku sugan magaalada Montreux ee dalka Iswiserland si uu Iswiidhen ugu matalo shirka caalamiga ah ee looga hadlayo nabadda Suuriya.

Shirkaas oo ay ka soo qaybgelayaan ilaa afartan dal ayaa noqonaya markii ugu horreysey ilaa markii dagaalku ka bilowday Suuriya saddex sano ka hor ay isa soo hor fariistaan xukuumadda iyo mucaaradku. Sidaas oo ay tahay ayeysan haddana shirka ka soo qaybgelin kooxo badan oo muhiim ah oo mucaaradka ka tirsan.

Iswiidhen waxay maanta shirka culeyska ku saari doontaa ahmiyadda in khilaafka lagu helo xal siyaasadeed. Sidaasna waxaa idaacadda SR International u sheegay Robert Rydberg oo ah madaxa qaybta wasaaradda arrimaha dibedda u qaabbilsan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Wuxuu carrabka ku dhuftay in qaybaha ugu muhiimsani ay dhici doonaan shirka maanta kadib, kolkaas ay maalinta jimcaha kulan toos ah isku horfariisan doonaan wakiilo ka kala socda xukuumadda iyo mucaaradka Suuriya oo lagu qaban doono magaalada Geneve. Kulankaasna waxaa hoggaaminaya ergeyga Qaramada Midoobey u qaabbilsan arrimaha Suuriya Lakhdar Brahimi.

"Sidaas awgeed ayey aad muhiim ugu tahay in aan taageero xooggan siinno Qaramada Midoobey ", ayuu yiri Robert Rydberg.

Isha: Desken

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".