Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Warqadaha daawooyinka ee dhakhaatiirtu qorto oo laga yaabo in isticmaalkooda la joojiyo

La daabacay onsdag 22 januari 2014 kl 11.04
Daawooyin.

Wakaaladda daawooyinka iyo Hay’adda gargaarka bulshada ayaa hadda loo xilsaaray in ay soo baaraan haddii laga maarmi karo warqadaha dhakhaatiirtu ku qorto daawooyinka ay ku jiraan maaddooyin maandooriye ah. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda Ekot.

Daawooyinka ay khuseyso waxaa ka mid ah daawooyinka xanuunka jebiya, kuwa welwelka dejiya iyo kuwa hurdada.

Waxaana sabab looga dhigayaa in ay dhaceen khiyaamooyin iyo been-abuur sababay in daawooyin ay maandooriye ku jiraan ay galeen gacmo qaldan.

Warqadaha daawada ee xaashida ahi waa ay fudud yihiin in la been-abuuro marka la barbardhigo warqadaha daawada ee elektarooniga ah. Sidaas awgeed ayey laamo badan oo ka mid yihiin ururka farmashiyayaashu u doonayaan in gebi ahaanba la joojiyo warqadaha midabka huruudda leh in loo isticmaalo ku qoridda daawooyinka ay maandooriyayaashu ku jiraan.

Hadda daawooyinka la qoro badankood waxaa lagu diraa hab elektaroonig ah oo boqolkiiba toban oo qura ayaa weli warqado lagu qoraa.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".