Sawirle: Janerik Henriksson / TT. Infälld i bild: Radiosportens Magnus Wislander. Foto: SR.

Natiijadii ugu xumeyd oo ay kooxda iswiidhishka ee kubbadda gacantu ilaa hadda gaarto

Kooxda xulka kubbadda gacanta ee Iswiidhen ayaa haysatey fursad ay ugu gudubto semifiinaalka, balse waxay fursaddaas lumisey markii cayaar ay iskaga hor yimaadeen kooxda Booland looga adkaay sagaal gool. Cayaartuna waxay ku dhammaatay 25-35. Sidaasna waxaa soo werisey wakaaladda TT.

- Waxaa sameynaa qaladaad xagga weerarka oo micnedarro ah oo keenay in aan culeys isa saarno cayaarta qaybteedii labaad. Sidaasna waxaa yiri tababaraha kooxda Staffan Olsson.

Waxay ahayd sannad iyo bar ka hor markii ay Iswiidhen billad qalin ah kaga guuleysatey cayaarihii olimbiga oo lagu qabtay magaalada London. Intaas wixii ka dambeeyey waxaa kooxda Iswiidhen soo foodsaaray dhibaatooyin in ay cayaaraan, kuwaas oo ay sababeen dhaawacyo soo noqnoqanayey oo gaarey cayaartoyda muhiim ah, qaar badanina ay diideen in ay kooxda qaranka.

Waxay maalinta arbacada cayaar aan sidaas u qiimo badnayn iskaga hor iman doonaan kooxda Faransiiska.

- Xaalku aad ayuu hadda noogu culus yahay. Waxayse caadadu tahay in tartanka cayaaraha loo soo afjaro sida ugu wanaagsan ee suurtagalka ah, ayuu yiri Staffan Olsson.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".