Asad Ibraahim.

Bandhig ganacsi oo lagu qaban doono sabtida xaafadda Rosengård

Asad: In luuqaddaada laguu macneeyo ayaa wanaag-san
3:04 min

Sabtida foodda innagu soo haysa, saacaddu markay tahay 13:00 ayuu ka dhici doonaa xaafadda Rosengård ban-dhig ku saab-san arrimmaha ganacsiga ee soomaalida, midkaasina oo ay abaabulkiisa leeyihiin hoowl-wadeennada xarunta dhexe ee ganacsiga iyo war-bixinta soomaaliya, sal-dhigooduna yahay magaalada Malmö ee gobolka Skåne, sida uu noo sheegay mid ka mid ah howl-wadeennada xarunta:

xarunta dhexe ee ganacsiga iyo war-bixinta soomaaliya ayaa albaabada loo furey 2012, eyna ku eg-tahay bartamaha sannadkan 2014, iyada oo dhanka kale uu filayo Asad Ibraahim in qorshahani uu meeshiisa ka sii socon doono. Iyadoo uu adeegyada la bixiyaana uu ka mid yahay midka ganacsiga. Waana fikirka ganacsiga midka uu salka ku bahyo ban-dhigan maalinta sabtida ee 25-ka bishan jannaayo ka dhici doona xarunta ururka Qaansaroobaadka Soomaalida - Somaliska Regnbåge ee xaafadda Rosengård, ahna goob ey ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan magaalada Malmö.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".